Muqdisho (Caasimada Online)- Dowlada Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in wax xuduud ah aysan la laheyn maamulka Somaliland, balse ay xuduud la wadaagto Dalka Somalia.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Arimaha Dibaddadalka Jabuuti, ayaa sheegay in Somalia keliya ay xuduud la wadaagan, isaga oo tilmaamay inaanu jirin wax la yiraahdo Dowlada Somaliland.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hadalkaani ku sheegay wareysi uu siinaayay Idacaada BBC-da laanteeda Afka Ingiriisiga.
Wasiirka waxa uu sheegay in dhinacyada kale ay Xuduud kala wadaagan Dowladaha Ethiopia, Eretaria iyo Dowlada Somalia, sidaa aawgeedna beeniyay in Somaliland ay leedahay xuduud iyaga u gaar ah.
Wasiirka waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay mid kamid ah Gobolada Somalia, sidaa aawgeedna uusan oran karin Dowlada Somaliland, marka loo eego sharciga caalamka.
Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer ka shanqariyay inay ka go’een Somalia inteeda kale balse marka loo eego shuruucda caalamka ayaan jirin sabab ay uga go’do Somalia inteeda kale.
Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa hadalkaani ku sifeeyay mid ka dhalatay weerarka Ciidamada Badda Jabuuti ku weerareen Ciidanka xeebaha Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]