25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog: Jawaari oo wada qorshe lagu garabsiinayo madaxweyne Xasan xili soo xulida xildhibaano…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia ka bilowday ololo qaabab hoose u socda oo uu wado Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Ololaha oo ay ka qeybqaadanayaan Mas’uuliyiin dhowr ah ayaa waxaa kaalinta ugu weyn qaatay Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku dhexmilmay Siyaasiyiinta ugu tunka weyn ee katirsan Dowlada kuwaasi oo qaarkood lagu tilmaamo inay leeyihiin miisaan Siyaasadeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhanka Xassan Sheekh u qaabilsan ku dhexmilmida Odayaasha iyo Xubnaha cusub ee la rajeynaayo inay usoo xushaan Baarlamaanka Cusub.

Jawaari ayaa sidoo kale Xildhibaanada hadda jira ee qaarkood soo laaban doona kala hadlaaya arrinta Doorashooyinka ee la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, isaga oo ku baraarujinaayo inay doorashada garab ku siiyaan Madaxweyne Xassan oo kamid noqon doona Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Jawaari ayaa ballanqaad hore ka heysta Madaxweyne Xassan, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Jawaari uu diiday in xil danbe uu ka qabto Somalia, hadana waxaa jira Maslaxado hoose oo mideynaaya Madaxweyne Xassan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasi oo aan iminka la garaneynin waxa ay salka ku heyso.

Lama oga guusha uu Jawaari usoo hoyin doono Madaxweyne Xassan Sheekh ahna Musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News