27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Qarax gaari oo ruxay maqaaxi ku taal Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay maqaayad ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay maqaayad lagu magacaabo RAJO oo ku taala agagaarka hotelka Global ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay seddex ruux ayaa ku dhimatay qaraxa ka dhacay maqaayada, waxaana ku dhaawacay inka badan 10 ruux, sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Xalane.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhaawacmay ay u badnaayeen caruur goobta ku sugneyd iyo dad kale oo maqaayada ku jiray.

Afhayeenka maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen ruux gaari gacanle ah iyo labo caruur ah oo caseeyayaal ahaa, sida uu sheegay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku dhow hotelka City Palaze iyo guriga Habar Khadiiyo oo ay degen yihiin nabad sugida Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News