Muqdisho (Caasimada Online)- Wakiilka Midowga Africa ahna taliyaha ciidamada AMISOM ayaa la kulmay safiirada Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ee dalka Soomaaliya, isaga oo kula kulmay xafiisyada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Francisco Madeira, Wakiilka AU ee Soomaaliya ayaa wuxuu labada masuul kala hadlay arimaha ku aadan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen AMISOM isaga oo sheegay iney gacan weyn ka geysteen labada wadan xaalada nabad kusoo celinta Soomaaliya.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo saxaafada la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu la leeyahay howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya isaga oo sheegay iney ka go’an tahay ka shaqeynta nabad kusoo celinta Soomaaliya.
“Turkiga wuxuu maalgeliyay tababarka Soomaalida, wuxuu maalgeliyay caafimaadka Soomaaliya dib u dhiska Soomaaliya waana sii wadi doonaa taageeradooda Soomaaliya”ayuu yiri safiirka AU ee Soomaaliya.
Olgan Bekar, oo ah afiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay iney wanaagsan tahay in la is dhaafsado xogaha ku saabsan horumarka laga gaaray dalka Soomaaliya.
Mohamed Al-Othman, safiirka imaaraadka ee Soomaaliya ayaa sheegay iney doorweyn ka ciyaareen amaanka iyo arimaha bini’aadanimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn masuuliyiinta ayaa sheegay iney ka shaqeyn doonaan xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]