Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa digniin kasoo saaray qaabka ay ku imaan karaan baarlamaanka la dhisayo labo bil kadib kaasi oo badali doono xildhibaanada haatan dhisan.
Faroole oo wax badan kala socda arimaha siyaasada Soomaaliya iyo ciyaarta siyaasiyiinta ay ciyaaraan ayaa ka digay in dad musharixiin ah ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka ee imaanaya sanadkan.
Wuxuu sheegay in haddii la doonayo in xildhibaano wanaagsan la keenaa ay muhiim tahay in xubnaha musharixiinta laga fogeeyaa soo xulida baarlamaanka imaanaya.
”Waxaan ka digayaa hadii la rabo Baarlamaan wanaagsan oo Bulshada u adeega gaarsiiya dawladnimo rasmi ah in aan la aqbalin in musharaxiin aysan soo xulin balse loo daayo Isimada Soomaaliyeed” Ayuu Yiri Dr. Cabdiraxmaan Faroole.
Dhinaca kale Faroole oo musharax madaxweyne ah ayaa sheegay in muhiim ay tahay in wax laga badalo qaabkii lagu soo xulay xildhibaanadii sanadkii 2012 ee soo doortay madaxweyne Xasan Sheikh.
”Anigu Murashax waan ahay, waxaana ku kalsoonahay in wax laga badalo sidii ayaantii hore wax loo xulay, waxaana ku kalsoonahay in dadku soo xulaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso Agoosto 2016-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]