Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia oo aalaba ka shaqeysa iska horgeynta iyo hoos u dhac ku imaada Siyaasada Somalia ayaa si wada jir ah u casuuntay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas kuwaasi oo kawada qeybgali doona Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum ee sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar dahar ee dalkaasi.
Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum, ayaa ka duwan shirarka kale ee ka dhaca Ethiopia waxa uuna shirkaani gaar u yahay Madaxweynayaasha Africa, Beesha Caalamka, kaasi oo si gaar ah looga hadla arrimaha Amaanka Africa.
Dowlada Somalia ayaa waxaa shirkaasi u matalaaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia oo Casuumaad ka helay Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.
Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu waaga ku baryay marka sidoo kale isla shirkaasi ay Dowlada Ethiopia ku marti galisay Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo isagu lagu niyad jabinaayo Xassan Sheekh.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, ayaa waxaa isna Casuumay Gen. Gebra oo ah Wakiilka Dowlada Ethiopia u qaabilsan Qaska iyo iska horgeynta Siyaasiyiinta Soomaalida, isaga oo Casuumaadaasi ka damacsan in C/wali Gaas la dareensiiyo in Ethiopia ay la barbar dhigi karto Madxaweynaha Somalia.
C/wali Gaas oo garab Siyaasadeed ka heysta Dowlada Ethiopia ayaan laheyn dareen wadaniyad, isaga oo xiliyada qaar ku dhiirada inuu qaata amarada muuqda ee looga horgeynaayo Madaxda Sare ee dalka, waxa ayna Dowlada Ethiopia u adeegsataa Colaadaha iyo Qaska Siyaasada.
Maamul Goboleedyada kale ayaa u shaqeeya qaab degan markii laga reebo Puntland oo ay Ethiopia u adeegsato burburka Horumarka Somalia.
Arrintaani ayaa muujineysa in Dowlada Ethiopia ay dhabarka u xiraneyso iska horgeynta Madaxweynaha Somalia iyo C/wali Gaas, waxaana xusid mudan in Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum aanu qeyb ka aheyn Maamul Goboleedyo kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]