Muqdisho (Caasimada Online) – War aan sidaa loo sii shaacin ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu dhawaan socdaal gaaban ku imaan doono magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Aqalka Madaxtooyada Somalia ayaa kusoo waramaaya in Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Al-bashiir ayaa isna la sheegay inuu aqbalay casuumaada uu u fidiyay Madaxweynaha Somalia.
Casuumada Madaxweyne Xassan Sheekh uu u fidiyay dhigiisa Sudan, ayaa kusoo aadeysa xili maalmo un ka hor uu Madaxweyne Xassan socdaal shaqo ku gaaray magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan, halkaasi oo ay kuwada kulmeen labada madaxweyne.
Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaan inta badan u socdaalin dalalka aan ka jirin nabadda isaga oo cabsi ka qaba in Diyaarada uu isticmaalaayo ay u gacan gasho Maxkamada dambiyada dagaalka ee loo yaqaan Haik, taasi oo fursad ku raadineysa qabashadiisa.
Dowlada Sudan ayaa kaalimaha koowaad uga jirta Dowladaha xiriirka fog la leh Somalia, islamarkaana u gashay abaal aan ilowsho laheyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

