Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan waqti dheer qaatay oo u dhaxeeyay gudiyada kala duwan ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay gelinkii dambe ee shalay qorshaha doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.
Xildhibaanada oo ka socday gudiyada joogtada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda oo waqti qaatay ayaa ka hadlay kulankii shirka madasha wadatashiga ee kusoo idlaaday magaalada Muqidsho iyo howlaha baarlamaanka horyaala.
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kamid ah gudiyada kulmay ayaa inoo xaqiijiyay in dhamaadka bishaan baarlamaanka la horkeeni doono hishiiskii madasha wadatashiga qaran,
26-ka April 2016 ayaa la xaqiijiyey in baarlamaanka la horgeyn doono qorshaha la xariira Heshiisyadii madasha Wadatashiga, iyadoo uu hortagayo Ra’iisulwasaaraha dawladda Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake sida ay noo sheegeen qaar kamid ah Xoghaymaha Xaafiiska Ra’iisulwasaaraha.
Hishiiskii dhawaan magaalada Muqdisho ay ku gaareen xubnaha madasha ayaa waxaa lagu qeexay qaabka doorashada Soomaaliya u dhaceyso iyo in shirka dastuurka lagu qabanayo magaalada garowe.
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

