24.2 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Xog: Shaqaalaha iyo ciidamada DF Somalia oo laga jaray mushaarka (Halkee la marin doonaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ka tirsan Wasaaradaha Xukuumada Somalia iyo Hay’adaha amaanka ayaa sheegaya in si rasmi ah loo jaray mushaaraadkii ay xuquuqda u lahaayen Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada.

Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada ayaa iminka lasiin mushaaraadka ilaa Seddex bil, waxaana lasoo warinayaa in mushaaraadka loo adeegsan doono doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Shaqaalaha qaar ayaan mushaar lasiin muddo Afar bil, halka qaarka kalane aan mushaarkooda lasiin Seddex bil, waxaana suuragal ah in mushaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidamada aan la bixin doonin inta ka harsan doorashada, sida aan kasoo xigay ilo wareed ka tirsan Wasaarada Maaliyadd.

Shaqaalaha qaar ayaan heysan shaqooyin kale oo ay kusii maareyaan nolosha carruurtooda, waxa ayna su’aashu tahay sababaha keenay in Dowlada ay xuquuqda shaqaalaha u adeegsato doorashada xili caalamka uu bixinaayo dhaqaalaha lagu maareyn doono doorashada.

Shaqaalaha iyo Ciidamada qaar ayaan u shaqa tagin xarumaha Dowlada, iyaga oo sabab ka dhigay inaanu jirin xuquuq ay ku leeyihiin Dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa maalmo un ka hor sheegay in DFS aysan mushaar u heynin Ciidamada Dowlada.
Mushaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada ayaa waxaa muddo 5 shano ah ballanqaaday Bankiga adduunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News