30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Muqdisho: C/Weli Gaas oo dacwad laga gudbiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia gaar ahaan qowmiyada Oromada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada dadka kasoo jeeda qowmiyadaasi loogu geysto deegaanada Puntland.

Odayaasha ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay iney si weyn kaga xumaadeen dilkii ugu dambeeyay ee loo geystay ruux kasoo jeeda deegaanada beeshooda oo lagu dilay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxay sheegeen iney ka xun yihiin dhibaatada dadkooda loogu geysto deegaanada Puntland, iyaga oo maamulka C.welli Gaas ka dalbaday iney wax ka qabtaan dhibaateynta dadka Oromada ka tirsan.

Waxay sheegeen in dilkii ugu dambeeyay ee loo geystay ruux qowmiyadaasi ka tirsan uu ahaa dil duleedka gaalkacyo loogu geystay ruux ka shaqeynayay Hotel Uunlaayo oo ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn waxay sheegeen in wax laga xumaado ay aheyd in ruuxaasi si xun loo dilay kadibna meydkiisa la geeyay meel ka fog magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News