28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Sawirro: Gaari lagu ololin lahaa Muqdisho oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ee ka howlgala Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Gaariga la qabtay ee laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa gaari nooca loo yaqaan Karib, waxaana gaarigaasi la soo dhigay mid ka mid ah Xaafadaha degmadaasi, illaa xalayna ay waardiye ka hayeen Ciidamada.

Ciidamada NISA ayaa baaritaano dheer kadib waxa ay gaarigaasi kasoo dhex saaren Hub iyo Walxaha Qarxa, waxaana gaarigaasi lagu wareejiyay Hay’adda Nabadsugida.

Gaariga iyo Qaraxyadii saarnaa ayaa waxaa loo qabqabtay dhowr qof oo xiligaasi ku sugnaa nawaaxiga gaariga.
1

2

3

4

- Advertisement -

Read more

Local News