Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xarunta BFS ayaa sheegaya in kulan Xildhibaanada Baarlamanka Somaliya maanta ay ku lahaayeen xarunta Golaha shacabka uu kusoo idlaaday Buuq iyo sawaxan aan kala joogsi laheyn.
Buuqa iyo Sawaxanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu ka dhashay ka doodista Mooshinka laga gudbiyay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe.
Furitaanka kulanka kadib ayaa waxaa goobta laga aqriyay Ajandaha kulanka oo ka koobnaa, Ansixinta Ajandaha, U codeynta Mooshinka hakinta Maamul u sameynta labada Gobol Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe, Dooda Hindise Sharciyeedka lagu dhisaayo axsaabta Siyaasada, Akhrinta Koowaad Hindise Sharciyeedka Ka hortagga Walxaha Qarxa, Akhrinta labaad Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Argagaxisada ku wargelin La tashiga Maamulada Gobolada.
Mudanayaasha gudbiyay Mooshinka ayaa is hortaag ku sameeyay sii socoshada kulanka iyaga oo cod dheer ku sheegay in si cadaalad ay ku jirto wax looga qabto Mooshinka ka dhanka ah shirka ka socda Jowhar ee aan qaabka cadaalada ku saleysan loo maamulin.
Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa sidoo kale sheegay inaanu sii socon doonin kulanka BFS, ilaa xal looga helo Mooshinka ay kasoo gudbiyeen Shirka ka socda Jowhar.
Sidoo kale, Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinkaasi ayaa iyaguna is hortaagay in Mooshinka laga doodo waxa ayna sheegen in Mooshinkaasi uu yahay mid xaaraan ah islamarkaana ay wataan Xildhibaano caado qaatayaal ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Geesta kale, Buuq iyo Sawaxan qaatay ku dhawaad Hal saac ayaa waxaa suuragashay in lasoo xiro fadhiga Baarlamaanka, waxaana cod dheer kulankaasi kusoo xiray Guddoonka Baarlamaanka Somaliya oo iyagu maareyn waayay Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

