25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Siilaanyo iyo Axmed Madoobe oo ku taliyey in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku heysato dalka Soomaaliya iyo dhibataada ka dhalatay shaqo la’aanta dhalinta.

Labada madaxweyne ayaa ka damqaday dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed kasoo gaartay doontii ka dhaqaaqday dalka Masar oo dhalinyaro tahriibayaal ahaa ay ku dhinteen.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku dhibaatoonayaan dalkooda meel ka baxsan, iyadoo ay ugu wacan tahay in shaqo aysan ku heysan dalka Soomaaliya, sida uu sheegay.

Haddii dhalinyarada ay shaqo heysan lahaayeen ayuu sheegay iney heli lahaayeen waxyaabo ay ku mashquulaan ayna yaraan laheyd tahriibka ay sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa sheegay in dhalinyarada ugu badan ee deegaanada Somaliland ku qasabtay iney ka tahriibaan dalkooda oo dhibaato ay dibada ku qabsato.

Labo Axmed ayaa soo jeediyay in shaqo abuur wanaagsan loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, taasi oo ah wadada kaliya ee lagu joojin karo tahriibka dhalinyarada, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News