30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Sawirro: Dhallinyaradii ka bad-baaday doonida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaradaani oo ay ka muuqato farxad aan lasoo koobi karin, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Greece, kuwaasi oo si fog uga warbixiyay qaababka ay Doonida ula rogmatay.

Dhalinyaradaani ka badbaaday Doonida degtay ayaa sheegay in Doonida ay kula degtay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga, kadib markii ay is buurteen Muhaajiriintii saarneyd, waxa ayna intaa raaciyeen inay arkayeen dhalinyaro badan oo Meydadkooda dul sabeynaaya biyaha Badda.

Iyaga oo ka waramaayay dhibta ay kula kulmeen Badda, ayay sheegen in dhalinyarada qaar ay ku qeyla dhaaminayeen Erayo dareen leh sida ”Icaawiya Icaawiya, Yaa muslim ah” IWM.

Dadka la badbaadiyay ayaa ka kooban yihiin 23 Soomaali ah, 11 Itoobiyaan ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay dalka Suudaan.
Doontii ay la socdeen ayaa waxaa saarnaa dad kor u dhaafaya 500 oo ruux waxaana dhintay sida UNHCR ay xaqiijisay ku dhawaad 500 oo qof.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

- Advertisement -

Read more

Local News