Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaayo xogo ku aadan Fashilka heysta shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe kaasi oo aan wali laga gaarin guulihii laga filaayay.
Ilo wareed ku sugan madasha shirka Jowhar, kana tirsan Ragga ololaha ugu jira mirro dhalka shirkaasi ayaa xaqiijiyay in shirka ay hortaagan yihiin caqabado dhowr ah oo ay ka danbeeyan maamulo kala duwan.
Ilo wareedka ayaa sheegay in fashilka shirkaasi ay isku biirsadeen Dowlada Ethiopia iyo Maamulka Puntland oo iyagu aan maslaxad u arag in maamul Gobolleedyada Hiiraan iyo Sh/Dhexe yeeshaan maamul u dhigma kuwa kale ee dalka ka jira.
Waxa uu intaa raaciyay in Fashilka shirkaasi loo adeegsanaayo Odayaal iyo Xildhibaano dhowr ah oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan kuwaasi oo si ganbasho la’aan ah u fulinaaya qorshooyinka Ethiopia iyo Puntland.
Waxa uu ilo wareedka intaa kusii daray inay hayaan xogo cadeyn u ah in Xildhibaano, Odayaal, Siyaasiyiin dhaqaale lagu siiyay Fashilinta shirka maamulka lagu dhisaayo, balse waxa uu cadeeyay in Mowqifkooda uu socon doono.
Dhaqaalaha lagu fashilinaayo shirka ayuu sheegay in Odayaasha iyo Siyaasiyiinta loo soo mariyo dhanka Saraakiisha ethiopia ka joogta Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee, ololaha lagu fashilinaayo shirka Jowhar, ayaa waxaa qeyb ka ah oo daaha gadaashii ka hagaaya IGAD.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

