30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Socdaalka Gaas ee Sacuudiga: Afar qorshe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa gaaray dalka Sacuudiga halkaasi oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa socdaalkaasi ku wehlinaaya tirro mas’uuliyiin ah kuwaasi oo goobjoog ka noqon doona wada hadalada u dhexeeya Madaxweyne Gaas iyo Dowlada Sacuudiga.

Ilo wareed ka tirsan wafdiga Madaxweyne C/wali Gaas ayaa inoo xaqiijiyay in socdaalka uu yahay mid ku qotoma dhowr arrin oo ay kamid tahay arrimaha Ganasiga iyo xiriirka maamulka Puntland iyo Sacuudiga.

Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Gaas uu xoogiisa isugu geyn doono dhanka ganacsiga, oo ahmiyad gaar u leh Puntland waxaana kamid ah arrimaha ku xeeran socdaalkiisa sida :

1-Xoojinta ganacsiga sida dhoofinta xoolaha nool iyo wax soo saarka.

2-Xoojinta Ciidamada maamulka Badda iyo Bariga.

3-La dagaalanka Argagixisada sida Al-qaacidda iyo Daacish iyo waliba Kooxaha Shiicada ah ee hubaysan ee ku sugan dalka Yeman oo Puntland la leh xuduud dhinaca badda ah.

4-In Puntland laga saacido dhismaha xarumaha maamulka sida Wasaaradaha iyo Saldhigyada.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Sacuudiga ku sugnaan doona muddo 3 maalmood ah, waxaana lagu wadaa in socdaalkiisa kadib uu Saxaafada la wadaago wixii usoo qabsoomay.

Docda kale, Dowlada Sacuudiga ayaa kaalin weyn ka qaadata koboca dhaqaale ee Puntland, waxa ayna inta badan ka saacidaa dhismaha xarumaha Ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News