28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

XOG: Heshiiska madasha oo halis ay wajahday kadib markii uu guddoomiye Jawaari dalbaday…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxameed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhimsan ee kalfadhiga 8aad ee baarlamaanka looga hadlaayo ay tahay qaabka doorashada Soomaaliya qaadatey in la horkeeno Baarlamaanka si looga dhigo sharci.

Jawaari ayaa ku timaamey heshiiskii Muqdisho ka dhacay mid siyaasadeed, laakiin u baahan in sharci iyo xeer jira laga dhigo.

Hoggaamiyaasha madasha sare oo uu ku jiro Jawaari ayaa ku heshiiyey 12 Abril 2016 qaabka doorasho ee dalka Soomaaliya qaadanayso sanadkan 2016, kadib muran soo jiitasmaayey muddo 6 bilood ah.

Jawaari oo ka qaybqaadanayey barnaamij ka baxay Radio Muqdisho ayaa sheegay in 26 bishan ay Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaake ka sugayaan in uu baarlamaanka horgeeyo war murtiyeedkii Madasha ee doorashoyinka 2016.

Ma muuqato sabab baarlamaanku wax uga bedalaayo go’aanka Madasha ee ilaa Qaramada Midoobey laga soo dhaweeyey, iyada oo in badan oo ka mid ah Xildhibaanadu u xusul duuban yihiin in dib ay u so noqdaan, waqtigoodina uu ka harsan yahay wax ka yar 4 bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News