Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa sheegaya in maanta markale dagaal uu dib kaga bilowday deegaanka Daac-dheer.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Liyu boolis ee dowlada deegaanka Soomaalida iyo ciidamo deegaanka ah kuwaasi oo la ogeyn waxay isku hayaan.
Waxaana dagaalka xoogiisa uu maanta ka dhacay deegaanka Miir-cowleed kadib markii ciidamada Liyuu boolis ay weerareen dad reer guuraa ah oo ku sugnaa deegaankaas.
Dagaalada ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka taagnaa deegaanada dhaca xuduuda labada dal, waxaana dadka reer guuraaga isku hayeen arimo ku saleysan dhul daaqsimeed, maadaama reer guuraa ay yihiin.
Waxaa labada dhinac ay isweydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaal shalay ka dhacay deegaankaasi ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 10 ruux iyo dhaawac dad kale oo reer miyi u badan.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

