30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

XOG: GAAS oo lagu amray inuu Addis ku laabto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Addis-Ababa ayaa ku waramaaya in Madaxweyne Gaas lagu amray inuu kusoo laabto magaalada Addis Ababa.

Xubnaha waxa ay sheegen in C/wali Gaas uu iminka ku sugan yahay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, isaga oo la filaayo in booqashadiisa Sacuudiga kadib uu ku laabto magaalada Addis Ababa.

Warar hoose ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia iyo C/wali Gaas ay isla wadaan qorshooyin lid ku ah Dowlada Federaalka ah ee Somalia, kuwaasi oo la xiriira arrimaha Doorashada, waxaana la filayaa in Ethioipia ay C/wali Gaas ka dhameystaan howlaha qabyada u ah.

C/wali Gaas ayaa labada maalin kadib la filayaa inuu ku laabto magaalada Addis Ababa, waa haddii aan wax iska bedelin sida uu qorshuhu yahay, islamarkaana laga soo xigtay xubno ku dhow dhow Madaxweyne Gaas.

Dowlada Ethiopia ayaa dadaal xooli ah ugu jirto sida ay ku kala jari laheyd Soomaali-weyn iyada oo isku adeegsaneysa Siyaasiyiinta Soomaalida.

Ma cadda waxa ay noqon doonaan dhagarta ay Ethiopia iyo Puntland u maleegayaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News