Muqdisho (Caasimada Online) – Bahame Tom Mularya Nyanduga oo ka tirsan Qaramada Midoobay ahna khabiir madax banaan ayaa usoo jeediyay dowlada Soomaaliya iney xooga saarto tayeynta labo arimood oo amaanka muhiim u ah.
Qabiirkaan ayaa soo jeediyay in dowlada Soomaaliya muhiim u tahay iney xooga saarto sidii loo tayeyn lahaa awooda garsoorka dalka Soomaaliya iyo ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Labadaas goobood ayuu sheegay iney muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed ayna sahli doonto ka hortaga falal dambiyeedyada ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya.
Wuxuu booqasho ku joogay Soomaaliya muddo isbuuc ah isagoo tagay Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, lana kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Taliska AMISOM, Hay’addaha QM ee Somalia, Wakiilo ka kala socday Dowlad-gobaleedyadda Jubbaland iyo K/Galbeed, Warbaahinta iyo Bulshadda Rayidka.
Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday in mararka qaar oo ay wax dhacaan lagu dhameeyo xeer Soomaaliya oo dhaqan ummada Soomaaliyeed u leedahay, isagoo sheegay in xeer Soomaliga uu dhibaato ku yahay go’aan ka gaarista dambiyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah.
Khabiirka waxa uu walaac xooggan ka muujiyey in maqnaanshaha Nidaamka Caddaaladda ee qeybo ka mid ah Somalia sababtay inay Odayaasha Dhaqanka Xeer Soomaaliga ku xaliyaan dembiyadda Kufsiga iyo Tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

