32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

SIILAANYO oo laga mamnuucay inuu garoonka..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada ee maamulka Soomaaliland, Cumar Shiikh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaan la mamnuucay munaasabadaha ka dhex dhaca garoomada maamulka ee lagu soo dhaweeyo Madaxda maamulka.

Wasiir Cumar Shiikh Maxamed, waxa uu sheegay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya aysan aqbali doonin in dad shacab ah ay gudaha u galaan Garoomada si ay usoo dhaweeyaan Madaxda maamulka.

Cumar Shiikh Maxamed, waxa uu ku baaqay in Madaxda maamulka ay shirarka Jaraa’id ku qabsadaan Xafiisyadooda waxa uuna ka digay in Garoomada lagu soo dhaweeyo Madaxda misna shir Jaraa’id lagu dhexqabto Garoonka.

Wasiirka Duulista Hawa ee Somaliland Cumar Maxamed ayaa tusaale usoo qaatay in shaqsiyaad degenaa guryo ay leeyihiin mas´uuliyiin ka tirsan Soomaliland, ay markii ay Somaliland ka tageen meelo kale ka geysteen falal argagaxiso, isagoo aan faah faahin shaqsiyaadkaasi iyo goobaha ay falalka argagaxiso ka geysteen.

Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Xisbiyada ayaa la sheegay inaan lagu soo dhaweyn doonin Madaarka Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News