28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: QM oo soo faro-gelisay doorashada 2016ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow aan ka helnay xubno ka tirsan Villa Somalia, ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan Xubno ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Xubnahaani ayaa la sheegayaa in Ujeedkooda uu yahay in DFS ay ka taageeraan doorashada la filaayo in dalka ay ka dhacdo bisha August ee Sanaddan 2016-ka.

Xubnahaani ayaa wehlin doona Khubaro ku xeel-dheer arrimaha Doorashooyinka kuwaasi oo la sheegay inay indha in dheyn doonaan goobaha Doorashada loo qorsheeyay, iyaga oo sidoo kale DFS ka dhageysan doona warbixino ku aadan qaabka ay dooneyso inay u hirgaliso doorashada fooda nagu soo heyso xili amaanka uu xun yahay.

Xubnahaani ayaa la filayaa inay kusoo hormari doonaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, halkaasi oo ay kusoo dajin doonaan dhammaan qorshooyinka ay la imaan doonaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

DFS ayaa dhowr jeer ku celcelisay in doorashada dhici doonta ay waxbadan ka duwanaan doonto tii horay uga dhacday Somalia, inkastoo aysan muuqan dadaalada Dowlada ee ku aadan arrimaha doorashada.

Ma cadda tirada ay Xubnahaasi ku imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News