Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal hub culus leysu adeegsanaayo ayaa iminka ka socda Deegaanka Ceel Aqwaan oo hoos taga Magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka ayaa waxaa intiisa badan laga maqlayaa magaalada iyo daafaheeda, waxaana lasoo warinayaa in Dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaad la sheegay inay u abaabulan yihiin qaab Qabiil.
Maleeshiyaadka Dagaalka kula jira Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay inay dhigteen Isbaaro dhaqaale badan looga qaadi jiray gaadiidka iyo dadka shacabka qaarkii.
Dagaalka ayaa sidoo kale la sheegayaa inay qaaden Ciidamada maamulka Galmudug oo watay ilaa Afar gaari nooca Dagaalka ah kuwaasi oo Gaadiidkooda ku densaday Deegaanka Ceel Aqwaan oo ah halka uu iminka ka socdo Dagaalka.
Sidoo kale, Maleeshiyaadka weerarka lagu qaaday ayaa iska caabin xoogan ku sameeyay kuwa Galmudug ee weerarka qaaday.
Ciidamada Galmudug ayaa la sheegayaa in iminka ay gaaren Ciidamo kale oo gurmad ah kuwaasi oo dhabarka danbe kasoo duulaan tagay.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay Dagaalka waxaa iminka leysu adeegsanayaan Hubka culus.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

