Cadaado (Caasimada Online) – Wafdi ka socda UNDP ayaa maanta gaaray magaalda Cadaado ee Xarunta KMG ee maamulka Galmudug.
Wafdi ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabay iyo sidoo kale qaar ka mid wasiirada Maamulka Galmudug.
Wafdi ayaa sidoo kale socod kusoo maray meelo badan oo ka mid ah magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud,waxayna hada ku sugan yihiin xarunta baarlamaanka maamulka Galmudug ,iyagoona shir kula jira qaar ka mid mudanayaasha baarlamaanka Galmudug.
Ujeeda ay wafdigaan ay u gaareen magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay halkaas ka fuliyaan mashaariic hormarineed.
Caasimada Online
Xafiska Cadaado
[email protected]

