28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Guuleed oo ku dhacay shirqoolkii Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan kulamada maalmaha qaatay ee magaalada Jigjiga uga socday Madaxweynayaasha DDSI, Galmudug, Jubbaland iyo Gen. Gebra oo dhinac ah.

Kulamada oo ahaa kuwo is xig xigay ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xubno ka tirsan Dowlada Ethiopia oo si aad ah u daneynaayay arrinta kulanka kuwaasi oo kasoo baqoolay magaalada Addis Ababa.

Xubnahaani oo uu magaalada Addis kasoo diray Ra’isul wasaaraha ethiopa Hailemariam Desalegn si ay C/kariin Guuleed kala hadlaan colaada ka dhex aloolsan Ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa xoola dhaqatada ah ee ku nool xadka.

Xubnaha uu soo diray Hailemariam, Madaxweynaha DDSI, Gebra iyo Axmed Madoobe oo garwadeen ka ahaa kulanka ayaa waxa ay si wada jir ah ula kulmeen Guuleed iyaga oo kala hadlay in Galmudug ay la midowdo magaalada Jigjiga si looga wada shaqeeyo amniga iyo Xasiloonida.

Xogtu waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeysaa in C/kariin Guuleed laga saxiixay warqad la sheegay inay cadeyn u tahay in Ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa Xoola dhaqatada ah ay wada shaqeyn doodaa iyo in Galmudug ay qeyb ka noqon doonto Seddexda maamul Goboleed Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo looga arrimiya magaalada Addis ababa.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Xubnaha ka socday magaalada Addis Ababa ee uu soo diray Hailemariam ay C/kariin Guuleed u ballanqaaden miisaaniyad bille ah oo lagu maareyn doono labada Gole ee maamulka iyo Ciidamada sida gaar ah u ilaaliya Madaxtooyada maamulka.

Shirqoolka kulankaani ayaa waxaa dhigay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isaga loo adeegsaday C/kariin Guuleed.

Docda kale, kulamada ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa dareen lixaad leh waxa uu ku abuuray Xildhibaanada Galmudug oo iyagu iminka wada Mooshin lidi ku ah C/kariin Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News