Waa kuma madaxweynaha Somalia ee 2016-ka?

(Fariin ku socota Murashixiinta Madaxweyne ee sanadka 2016-ka, Xubnaha Baarlamaanka Cusub iyo Walaalaha Soomaaliyeed).

(Fariin ku socota Murashixiinta Madaxweyne ee sanadka 2016-ka, Xubnaha Baarlamaanka Cusub iyo Walaalaha Soomaaliyeed).

Qodobka 88aad ee dastuurka Soomaaliya wuxuu dhigayaa Shuruudaha  Doorashada Madaxweynaha wuxuna u qoran yahay sidaan. Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Muwaaddin kasta oo:

(a) Muwaadin Soomaali, Muslim ah;

(b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano;

(c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;

(d) Dhimirkiisu dhan yahay;

(e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

Hadaba waxaa laga rabaa xildhibaanada imaan doona iyo shacabka Soomaaaliyeed in aan 5-taas shardi oo kaliya lagu soo dooran Madaxweynaha Soomaaliya oo la rabo inuu noqdo mid dadka iyo dalka badbaadin kara oo si dhab ah uga saari kara Soomaaliya xaalada adag ee ay ku jirto.

Waa in muwadiniita Soomaaliyed ay soo bandhigaan sifooyinka iyo dabeecadaha hoggamineed ee laga rabo murashaxa ama adeegaha doonaya inuu noqdo Madaxweynaha dalka Soomaaliya, si ummadda Soomaaliyeed u helaan Madaxweyne u qalma talada iyo hoggaminta dalkooda. Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinayaa sifooyinka iyo dabeecadaha hoggaamineed ee Madaxweynaha ay Soomaaliya u baahan tahay.

Fiiro gaar ah: In ka badan hal qarni barkiis oo ay Soomaaliya xor ahayd iyo xaalka uu dalku ku sugan yahay, Shumaca ama Candle-ka ifaya wuxuu astaan iyo tusaale u yahay in markaan ay Soomaaaliya u baahan tahay Madax aan daneysan balse u daneeya shacabkooda oo naftood hurayaal ah, sida Shumaca loogu daneysto oo dadku uga faaideysto”. Waxaa uu sheegay Nelson Mandela mar uu ka hadlayey Madaxda fiican “Hoggamiyaasha dhabta ah ee  wanaagsan waxay naftooda u huraan xoriyadda iyo wanaaga dadkooda.”

1- Dabacsanaan (Humility)

فَبِمَا رَحۡمَةٍ۬ مِّنَ ٱللَّهِ لِنتَ لَهُمۡ‌ۖ وَلَوۡ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ ٱلۡقَلۡبِ لَٱنفَضُّواْ مِنۡ حَوۡلِكَ‌ۖ فَٱعۡفُ عَنۡہُمۡ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ وَشَاوِرۡهُمۡ فِى ٱلۡأَمۡرِ‌ۖ فَإِذَا عَزَمۡتَ فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ‌ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَوَكِّلِينَ (١٥٩)

Alle wuxuu quraanka ku amaanay Nabi Muxamed SCW oo uu yiri waxaad tahay Nabi aan qalbi adkeyn oo dabecsanaan iyo naxriis badan.

Nabi Muxamed SCW wuxuu yiri “Maa tawaadaca Axadun Lillaah illaa rafacahu Allah Wamaa zaada Allahu cabdan bicafwin ilaa ciza”.

Ruuxi Alle dartii u dabecsanaada Alle kor ayuu yeela oo wa uu sareysiyaa, Adoonka Alle dartiis wax u cafiyana Alle waa cizeyaa oo waa sharfaa.

Sidaa darted Hogaamiyaha wanaagsan waa mid u dabacsan ummadda wuxuu aaminsan yahay in uusan cidna ka fiicnayn ama ka liidan oo uu ka mid yahay shacabkisa, ma aha qof islaweyn oo wuxuu muujiyaa dabacsanaan kor u qaada ixtiraamka iyo sharafta raaciyada iyo dadka la hogaaminayo.

2– Xikmad (Wisdom)       

يُؤۡتِى ٱلۡحِڪۡمَةَ مَن يَشَآءُ‌ۚ وَمَن يُؤۡتَ ٱلۡحِڪۡمَةَ ۡ فَقَدۡ  أُوتِىَ خَيۡرً۬ا ڪَثِيرً۬ا‌ۗ وَمَا يَذَّڪَّرُ إِلَّآ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَـٰبِ

Alle wuxuu xikmad siyaa cidii uu doono, Ruuxi Alle uu Xikmad siiyana wuxuu Alle siiyay khayr badan.

Hoggaamiyuhu waa inuu noqdaa mid xikmad badan oo kala garanaya waxa saxda ah iyo waxa khaldan oo aan waafaqsanayn diinta islaamka, sii uu uga badbaado dhagarta shaydaanka oo uusan uu qaadan go,aano khaldan oo aan u ficnayn naftiisa iyo dalka, xikmadaas oo uu hoggamiyuhu ku garto khatarta ay leedahay ku tagrifalida hantida ummadda, cadaalad darada, khiyaanada iyo Musuqmaasuqa.

3- Geesi/Geesinimo (Courage)

Soomaaliya waxay u baahantahay Hoggaamiye geesi ah oo go’aan qaadasho adag leh. Ma jirto cid maqlaysa ama ka heybeysanaysa hoggaamiye aan go’aan qaadasho adag lahayn.

4- Ixtiraame (Respect)

Waa in uu hoggaamiyuhu noqdaa mid ixtiraama dastuurka iyo shurucda dalka una hoggaansamo go’aanada maxakamda sare, waa inuusan ku faragelin shaqadooda hay’adda Baarlamaanka, waana inuu ixtiraamo aragtida shacabka.

5- Isla-xisaabtan (Accountability)

Hoggamiyaha dhabta ah waa mid isxisaabiya, wixii guul ah ee la gaaro wanaageeda iyo ammaanteeda iskuma koobo ee wuxuu la qeybsadaa maamulkisa, wixii xumaadana isagaa canaanteeda dusha saarta. Xisaabtanka sidaa oo kale ah wuxuu qayb ka qaata isku soo dhawaanshaha iyo wada shaqaynta dowlada iyo shacabka.

6- Karti (Competency)

Hoggamiyaha wanaagsani waa shakhsi ku sifooba Aqoon iyo karti dheraad ah. Wuxuu leeyahay aragti dheer iyo istraatijiyadii lagu gaari lahaa, sido kale waa kan aan faraha ka qaadin shaqo uu faraha ku hayo iyada oo aan dhammaan. Waxa uu tusaale iyo ku dayasho u noqdaa bulshada inteeda kale.

7- Hufnaan (Integrity)

Waxaa laga wariyay saxaabiga Cabdulahi Ibn Cumar Ibn Alcaas Ilaahay ha ka raali noqdee. (Dadka laalushka qaata iyo kuwa laalushka bixiyaa inaan Alle u naxariisan). Xigasho: Bukhari iyo Muslim

Hoggaamiyaha wanaagsani waa kan ay is-waafaqsantahay qawlkiisa ama ficilkiisa muuqda iyo dadnimadiisa hoose. Waa shakhsi la aamini karo oo aan been, balan ka bax, waxis-dabamarin iyo leexleexad lagu aqoon, muujiyana aragtidiisa saxda ah, wuxuu mar walba ka shaqeeya danta guud, mana aha qof ku daneysta shaqada uu qaranka iyo dalka u hayo.

8- Daneeye (Passion)

Dalka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay Madaxweyne aan Maal iyo Magac doonayn, balse jecel shaqada uu dadka iyo dalka u hayo taaso ah yoolkiisa noloasha, isaga oo u arka inuu gudanaayo xil qaran, kalgacayl iyo xiisana u qaba shaqada uu shacabkiisa iyo dalka u hayo.

9- Mideeye/Wadajir (Cohesiveness)

Madaxweynaha wanaagsan shacabku waa isugu mid oo uma kala sokeyaan, wuxuu had iyo jeer ka shaqeeya waxyaabaha iyo arimaha mideyn kara dadka iyo dalka, isaga oo ka dheeraada arimaha kala qaybin kara ummadda soomaaliyeed.

10- Naxariiste (Compassion)

Soomaaliya waxay u baahan tahay Madaxwyne fahmi kara xaalada adag ee Amaan darida leh, gaajada, faqriga, barakaca iyo burburka uu dalkiisu ku sugan yahay, oo ummadda Soomaaliyeed ugu shaqeeya si naxriis leh isla markaana xafida oo ilaaliya hantida qaranka si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee dhiban.

11- Hawlkar (Action)

Hoggamiyaha fiican waa mid hawlkar ah oo shaqo badan, wuxuu tusaale xaga shaqada iyo hawlkarnimada u noqdaa bulshada inteeda kale.

12- Balan-leh/La Aamini karo (Commitment)

Madaxweynaha Soomaaliyed ee wanagsan waa kan ka shaqeeya sidii uu ku gaari lahaa riyadiisa iyo aragtidisa sare ee uu qaranka u dajiyay, wuxuuna leeyahay dulqaad badan, adkeysi iyo qorshe la tiigsado. 

13- Isxilqaame (Proactivity)

Madaxweynaha wanaagsan waa kan mar walba isxilqaamo oo ka sii fakira waxa ay dadkiisu u baahan yihiin, wuxuu ku mashquul sanyahay oo uu marwalba isweydiiya sidee dalkayga nabad uga dhiga, sideen dadkayga u mideeya oo faqriga uga saara una gaarsiya horumar iyo barwaaqo.

14- Xor ah (Independence)

Madaxweynaha Soomaaliyed ee wanaagsan ma aha mid daciif ah oo lagu adeegto ama lagu shaqeysan karo, waa nin u madax banaan fikirkisa iyo aragtida uu dalka ku hoggaaminayo.

15- Jecel dalka iyo dadka (Love)

Intaa oo dhan waxay u muqaata inay adag tahay in la helo oo la gaaro, balse jacaylka uu Madaxweynuhu u qabo dadkiisa iyo dalkisa ya suuragelin kara oo ka dhigaya wax fudud oo la gaari karo.

Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha cusub iyo madaxda kale ee qaban doonta talada iyo hoggaaminta dalka in ay si dhab ah oo Alle ka cabsi ay ku jirto uga shaqeyaan midnimada Soomaaliyeed, cadaalada, nabada, la dagaalanka Musuq-maasuqa, dowlad wanaaga iyo horumarka dalka. Waxaan kale oo kula talinaya inay kor u qaadaan aqoontoda la xiriirta hoggaaminta ayna akhriyaan Buugga uu qoray Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub) oo lagu magacaabo Qawaaniinta 56-da ee Hoggaaminta.

Waxaan Alle ka baryayaa in ay Soomaaliya hesho Madaxweyne sifahaas iyo dabeecadaha hoggamineed ee aan soo sheegay leh oo ummaadda Soomaaliyed ka saara Midnimo la’aanta, Faqriga, Amaan darida, Cadaalad darida, Musuq-maasuqa, Rajo beelka iyo Dowlad xumida. Aamiin

W/D. Axmed M. Nuur (Axmed Arlaadi)

Arladun@hotmail.com