26.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Sawirro: Wasiirkii DF oo ay wadatay Ethiopia oo durba laga shaqeysiiyay loona adeegsaday in….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo afjaray wada-hadaladii ka socday magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ethiopia, kaasi oo u dhexeeyay DDSI iyo Galmudug.

Wada-hadalka iyo Heshiiska ayaa yimid kadib markii dagaalo soo noq noqday ay ka dhaceen dhulka ku yaalla xad, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Liyuu Boolis iyo Xoolo dhaqato degta dhanka maamulka Galmudug.

Dagaalada ayaa ka socday deegaanka Daac-dheer, kaasi oo Ciidamada Liyuu Boolis ay ku laayen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweynayaasha DDSI Cabdi Iley iyo C/kariin Guuleed ayaa halkaasi ku kala saxiixday dhowr qodob oo loo arkay inay xal u noqon karaan Dagaalada soo laalaabtay.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa intii ay socdeen waxaa kaalin ka qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladda ethiopia.

Sidoo kale, heshiiska waxaa qeyb ka ah, sidii colaada lagu soo afjari lahaa iyo in la saaro guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Ammaanka deegaannada ku yaalla Xadka Somalia iyo ethiopia.

Goobta lagu kala saxiixanaayay Heshiiska ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee uu dhawaan magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.

Inta badan dadka ayaa is weydiinaaya waxa shirkaasi ka khuseeya Wasiirka cusub oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Geelle inkastoo ay wadato Dowlada ethiopia, hadana waxa uu muujinayaa kalsoonida ay ethiopia ku qabto.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ethiopia u joogay Gen. Gebra oo ah ninka kala fogeynta Soomaalida u qaabilsan ethiopia, iyadoo ay xusid mudan tahay in C/kariin Guuleed uu dhexda u galay ethiopian, balse uu ahaa mid ku faraxsanaa.
Heshiis

Heshiis 2

heshiis 3

heshiis 4

heshiis5

- Advertisement -

Read more

Local News