29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qalab dhuun qabad ku noqon doona wasiiro iyo madax badan oo maanta Muqdisho la keenay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa heshay agab badan oo la sheegay in uu yareynayo musuq maasuqa ay sameyn jireen madaxda hayadaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya.

Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti ayaa sheegay in ku dhawaad 50 hayadood oo dowlada Soomaaliya ka tirsan lagu wareejiyay agab casri ah oo la sheegay in looga hortagayo musuqa ay sameynayeen masuuliyiinta hayadahaasi ka shaqeeya.

Wasiirka ayaa sheegay in qalabkaan casriga ah markii hore lagu tijaabiyay oo looga shaqeeyay Bangiga dhexe iyo wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya laakiin haatan la gaarsiiyay ku dhawaad 50 hayadood oo la doonayo in lala socdo dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti ayaa intaa raaciyay in Nidaamkaan uu yahay mid la jaan qaadaya Nidaamka Maaliyadda ee Wadamada hormaray ay ku shaqeeyaan.

Waxaana uu sheegay in ay sahleyso in la ogaado halka ay ku baxdo Lacagta Hay’addaha dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News