Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Eng Cumar Dheere oo ahaa gudoomiyihii Shirkada Somtel ee Gaalkacyo ayaa waxaa maanta kulan deg deg ah ku yeeshay gudiga amniga ee gobolka Mudug.
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in gudiga amniga iyo hayada kale ee aniga looga baahan yahay iney kasoo baxaan kaalintooda dhanka amaanka ayna ka shaqeeyaan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadkii dilay eng Cumar Dheere.
Gudiga ayaa sidoo kale la amray iney dardar geliyaan ka shaqeynta xaaladaha dhanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo, islamarkaana laamaha amaanka ay wax badan ka badalaan sugitaanka dhanka amaanka ee gobolka Mudug.
Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka oo ka qeyb galay kulanka deg dega dhanka amaanka ayaa sheegay iney wadaan baaritaano amaan oo lagu raad joogo dadkii ka dambeeyay dilka alle ha u naxariistee Eng Cumar Dheere.
Waxyaabaha kale ee laga soo saaray kulanka deg dega ee amaanka ayaa waxaa kamid ahaa in dib loo howlgaliyo xarumaha xaafadaha oo inta badan laga heli jiray xogaha dhanka amaanka, maamulka gobolkana uu dardar geliyo arimahaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

