28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Geelle oo Xasan u laab qaboojiyay kadib…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa madaxtooyada Jabuuti kulan qaatay hal saac ku yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa dhacay Seddex saac un kadib goortii ay dhamaatay munaasabada caleemasaarka, waxa ayna labada mas’uul kulankooda diirada ku saaren doorashada la filaayo in Somalia ay ka dhacdo dabayaaqada 2016-ka.

Madaxweyne Geele ayaa dhigiisa Somalia Xassan Sheekh ugu laab qaboojiyay in Somalia ay sanadaha u harsan kasii hanaqaadi doonto halka ay iminka taagan tahay, waxa uuna guushaasi sheegay inay ku xiran tahay kaliya dhicida doorasho xalaal ah.

Geele waxa uu Xassan Sheekh ku booriyay inaanu wakhti dheeri ah ku darsan xilka, isaga oo sheegay inuu soo dhaweynaayo musharaxnimadiisa.

Geele waxa uu Xassan u ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono doorashada Somalia, waxa uuna tilmaamay in Jabuuti ay diyaar u tahay inay soo saarto khibrada gudiyada loo xilsaari doono doorashada oo laga dhisi doono dhanka maareynta codadka.

Sidoo kale, Xassan Sheekh ayaa Geele u sheegay in Somalia uu la damacsan yahay hirgalinta Istiraatiijiyad iminka qabyo u ah, balse waxa uu sheegay in taasi ay hirgali doonto goorta ay Dowlada Jabuuti kasoo dhalaasho garabsiintiisa.

Madaxweyne Geele iyo Xassan Sheekh ayaa wada dhigtay ballamo aan qaarkood loo soo bandhigin saxaafada.

Waxa ay dhigteen muddo kale oo ay kuwada kulmi doonaan, inkastoo ilo wareedka uu sheegayo in mudadaasi ay tahay bil un ka hor xiliga doorashada, oo la filaayo in Xassan Sheekh uu gaari doono magaalada Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News