Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowad ee Wakiilada maamulka Somalilnad Baashe Maxamed, ayaa ka hadlay Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo u goostay dhanka Somaliland.
Baashe Maxamed, waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ciidamada Puntland ay kusoo dhiiradaan inay isku soo dhiiban maamulka Somaliland.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweyn doonto cid waliba oo kasoo raadisa magan-galyo, waxa uuna ballanqaaday in maamulka uu martigalin doono ciidamada kasoo goostay Puntland ee isku soo dhiibay Somaliland.
”Haddii aan wax wanaagsan sameyno waa nalagu soo dhiiranayaa, kuwa hadda isa soo dhiibay waan marti-galin doonaa Soomaalidu waxa ay raadineysaa meesha nabada ah”
”Ciidamada soo goostay waxa ay heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin cidna dhibaateymeyso. waxaa hogaaminaaya corneyl reer Puntland ah, waxa ayna ku harsan doonaan Hargeysa”
Baashe Maxamed, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan dadka kusoo dhiiranaaya, islamarkaana ay ka dhaafaan faquuqa iyo erayada lamid ah Jabhada.
Ma uusan sheegin tirada iyo gaadiidka dagaal oo ay wataan Ciidamada kasoo goostay Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

