Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Columbus Dispatch ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray suuragalnimada in Sheekh Maxamed Idris Axmed lagala laabto dhalashada dalka Mareykanka.
Wargeyska The Columbus, ayaa qoray in wadaadkaasi laba jeer la dhageystay kiiskiisa, balse maxkamada Columbus, waxa ay ka dhowr sugeysaa Xeer-ilaaliyayaaasha haystaan ilaa bishan May 27-da inay Garsooraha Maxkamadda Degmadda u gudbiyaan Faylka, si go’aan looga gaaro arrintaasi.
Xeer-ilaalinta Maraykanka, ayaa ka fiirsaneysa dib ula laabashada dhalashada Sheekh Maxamed Idris Axmed , oo lagu eedeeyay kiisas la xiriira inuusan lahayn niyad uu ku sii ahaado Muwaadin Maraykan ah.
Dowlada Mareykanka ayaa Sheekh Maxamed Idris siisay dhalashada sanadka markuu ahaa 2003-dii, hayeeshee imikana ay ka shaqeyneyso qaabka Sheekh Maxamed Idris looga qaadi lahaa aqoonsiga muwaadinimada.
Inta badan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi ayaa cabsida ugu weyn ka qaba sida uu noqon doono amaanka Sheekh Maxamed Idris waa haddii ay dhacdo in dalkaasi laga soo musaafuriyo.
Sheekh Maxamed Idris Axmed, ayaa si gaar ah looga xushmeeya guud ahaan dalka Somalia, waqooyiga Maraykanka iyo Caalamka intiisa kale waana wadaad caalim ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

