29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sawirro: Turkiga oo markab usoo diray SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Markab sida 11000 oo tan o raashiin gargaar ah ayaa kaoo dhaqaaqay dekada Haydarpasa ee magaalada Istanbul kaasi oo kusoo wajahay xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana raashiinkaasi loogu talo galay dadka abaaraha ay saameeyeen.

Fu’aad Oktay oo ah agaasimaha hayada masiibooyinka iyo arimaha deg dega ee Turkiga ayaa sheegay in markabkaasi uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho 15-ka bishan.

Mr Oktay wuxuu sheegay in gargaarkaasi uu ka yimid shacabka iyo dowlada Turkiga looguna talo galay in wax loogu qabto dadka waxyeelada ay kasoo gaartay abaarihii dhawaan ka dhacay gobolo dalka kamid ah.

Abaaraha ugu daran sanadkaan ayaa waxay ka dhaceen waqooyiga Soomaaliya iyo deegaano ka tirsan Puntland.

Dowlada Turkiga ayaa waxay xiriir wanaagsan la leedahay dowlada Soomaaliya iyada oo ka taageerta dhanka amaanka, waxbarashada, caafimaadka iyo arimaha gargaarka aadanaha.
Turkiga1-640x480

Turkiga2

Turkiga3-640x480

Turkiga4-640x480

Turkiga5-

Turkiga7

Turkiga7-640x480

Turkiga8

Turkiga

Caasimada Online
Xafiiska Turkiga
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News