London (Caasimada Online) – Dalka Ingiriiska (UK) ayaa laga baqayaa in laga soo masaafuriyo C/qaadir Axmed Saciid oo 32 sano jir ah, kaasi oo ku eedeysan dambuyo kala duwan oo ugu horeeyo Kufsi xiliyo kala duwan uu geystay, sida lagu eedeeyay,
C/qaadir Axmed oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa marar badan maxkamad kasoo muuqday, waxaana baqdinta ugu weyn ay tahay in laga soo masaafuriyo dalka UK ee qaarada Yurub ku yaala.
Haweeneyda xoghayaha arimaha gudaha ee dalka UK Theresa May ayaa horey usoo jeedisay in dalka UK laga masaafuriyo C/qaadir Axmed, balse haatan ku dhawaad seddex garsoore ayaa isku raacay go’aankaasi oo kale.
Eedeysane C/qaadir Axmed Saciid oo dalka Britain ku noolaa ku-dhawaad 20-sanno, waxaa sannadkii 2009-kii lagu xukumay Xabsi 5 sanno, kadib, markii lagu helay inuu labo jeer kufsaday haween.
Markii uu xukunka dhamaystay waxay xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Britain, Theresa May amartay in la masaafuriyo, balse waxa uu galangal u galay sidii loo joojin lahaa go’aanka lagu masaafurinayo, isagoo qaaday dagaal dhinaca Sharciga iyo khatarta uu la kulmi karo haddii lagu celiyo Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

