Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ee cariga dalka Jabuuti, ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole uu la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
C/raxmaan Faroole, ayaa Geele kala hadlay arrimihiisa gaarka ah ee ku aadan doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia dabayaaqada 2016-ka iyo qorshooyin kale.
Faroole ayaa Geele ka codsaday inuu ka taageero dhanka doorashada, isaga oo dhagtiisa ku dhibciyay inuu yahay musharax u taagan xilka Qaran ee Somalia.
Faroole waxa uu sidoo kale Mr Geele u bidhaamiyay in Jabuuti ay kamid tahay dhinacyada uu ku tashanaayo, sidaa aawgeedna uu u baahan yahay garab lixaad leh, isaga oo hal ku dhig ka dhiganaaya sameynta isbedel Siyaasadeed.
Geele, ayaa soo dhaweeyay arrinkaasi waxa uuna Faroole ku qanciyay in Jabuuti ay ka fakareyso sidii ay kusoo muujin laheyd kuwa rajada u ah Somalia ee isu soo sharaxaaya madaxtinimada dalka.
C/raxmaan Faroole ayaa noqonaaya musharaxii Afaraad ee taageero weydiista Dowlada Jabuuti, waxa ayna Jabuuti kamid tahay Dowladaha wax laga weydiiyo Siyaasada Somalia.
Ma cadda sida ay Jabuuti u raali galin laheyd Musharaxiintaani midba midka kale ka dhuumanaaya, waxa uuna iminka Faroole noqonayaa Musharax ka dhowr sugaaya ballanta Ismaaciil Geele.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

