30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Ilka-Xanaf oo xilka wareejiyay kana digay hal arin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Ceydiid Ilka Xanaf ayaa madasha xil wareejinta maanta ay ka dhaceyso ka jeediyay qudbad u badneyd waxqabadkiisii iyo kafsan ku saleysnaa garsoorka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka heysta.

Wuxuu sheegay in muddo lixdan sanadood ah uu kusoo dhex jirsay nidaamka dowliga uuna lasoo shaqeeyay dowlado badan oo dalka Soomaray, isagoo sheegay in gudoonka cusub looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo waxyaabaha isaga u qabsoomi waayay muddadii uu xulka hayay.

Dhibaatada ugu daran ee heysata hayadaha garsoorka ayuu ku sheegay iney tahay dadka cadaalad ka shaqeeyan oo inta badan qaata lacago laaluush ah, sida uu sheegay.

Wuxuu kula dardaarmay gudoomiyaha cusub ee dalka inuu ka fogaado waxyaabo keenaya eex iyo nin jecleysi sida uu sheegay.

Ibraahin Iidle Suleymaan, gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee dalka ayaa isaga sheegay inuu xooga saari doono qodobo dhowr ah oo qeyb ka qaadanaya dib u dhiska hayadaha garsoorka.

Maxamed Cumar Carta Qaalib ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa ugu dambeyn sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo dhowri lahaa hantida qaranka Soomaaliya, lanana xisaabtami doono qof kastaa oo masuul ah.

Caasimada Online
xafiiskaq Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News