Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi laga sugayo iney tagaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ee dalka Soomaaliya.
Masuuliyiinta degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada laga sugayo Cabdi Welli Gaas madaxweynaha Puntland iyo Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.
Warar kale ayaa sheegaya in la filayo in magaalada uu tagayo madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno ka socdo maamulkiisa.
Masuuliyiinta maamulka Degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in dhamaan madaxdaasi u tagi doonaan magaalada Caabudwaaq arimo la xiriir ka qeyb galka aaska Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, oo ahaa ugaaska beesha Mareexaan ee gobolka Galgaduud.
Maalinta beri ayaa la filayaa in dhamaan madaxdaasi sida qorshaha uu yahay tagaan magaalada Caabudwaaq oo uu aaska ka dhacayo.
Madaxda kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan aaska ka dhacaya degmada Caabudwaaq.

