26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

GALMUDUG oo si rasmi isugu dhiibtay Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa lagu wadaa in Garwadeen ay ka noqoto Khilaafyada Siyaasadeed ee ka dhex taagan maamullada Galmudug iyo Gobollada Dhexe.

Wajiga koowaad ee dhex dhexaadinta Khilaafkaasi ayaa lagu wadaa inuu dhaco wakhtiyada dhow ee nagu soo beegan Sida uu sheegay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali “Socdaal”.

Socdaal ayaa sheegay in mar waliba ay wanaagsanaan laheyd in Khilaafkooda aysan soo kala dhexgalin Dowlado shisheeye, hadana ay aad usoo dhaweynayaan in xal laga gaaro Khilaafka taagan ee xalkiisa aan soo degdegin.

Wasiir Socdaal, waxa uu sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in Dowlada ethiopia ay ku guuleysato xal u helida Khilaafka ka dhextaagan maamullada Galmudug iyo Gobollada Dhexe.

Wasiirka waxa uu sheegay in ethiopia looga maarmi waayay in garwadeen ay ka noqoto Khilaafka, waxa uuna bidhaamiyay in mar waliba uu dhici doono Heshiis, balse aysan saadaalin karin xiliga iyo ayaanka.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Socdaal ayaa hadalkaani ku sheegay wareysi uu siinaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, isaga oo cadeeyay in dhowrkii jeer oo ay isku dayeen in xal laga gaaro Khilaafka kala dhexeeya Ahlusunna uu fashilmay.

Dhanka kale, maamulka Gobollada dhexe, ayaan wali ka hadal wararka sheegaya in Dowlada ethiopia ay garwadeen ka noqon doonto Khilaafka maamuladda Galmudug iyo Gobollada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News