Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah wakiilada maamulka Somaliland ayaa ka hor imaaday go’aanka Shirkad laga leeyahay imaaraadka loogu gacan galiyay Dekadda Berbera ee Somaliland.
Wakiilada ayaa sheegay in Heshiiska lagu soo galay imaaraadka ee lagu wareejinaayo maamulka Dekadda Berbera dhaqaale adag lagu siiyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo isaga Heshiiskaasi horay u hakiyay kadib markii Somaliland ay isku dayday in amar la’aan ay imaaraadka ugu gacangaliso Dekadda.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo kamid ah mudanayaasha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in Heshiiska lagu soo galay Imaaraadka ee lagu bixinaayay Dekadda Berbera uu yahay mid xaaraan ah.
Waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu lug ku lahaa Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uuna Mr Qabile qiray in Xassan Sheekh ogolaanshiyaha Heshiiskaasi lagu siiyay dhaqaale xaqul qalin ah.
Qabile oo arrinkaasi uga waramaayay Wargeyska Geeska Afrika ayuu yiri ”Xasan Sheekh ayaa heshiiska Dekadda Berbera ka qayb ahaa oo la inoo soo maray, waxaana sida la sheegay uu qaatay boqolkiiba shan iyo laabatan (25%), waxa haboonayd inta wuu qaadanayo Xasan Sheekh lacagtaas inay Xukuumaddani qaadato, Xukuumaddani waxay doonto ayey ku dhaqmaysaa, waxay doonto ayey samaynaysaa, xeerarkii iyo sharicigii dalka ayey sida ay doonto u isticmaalaysa, kuna xad gudbaysaa”
”Dastuurkuna wuxuu dhigayaa in heshiis walba oo ay Xukuumaddu galayso inay hor keento Barlamaanka laakiin taasi ma dhacdo, heshiiskan waa mid sharci daro ah, oo sharci daro ah.”
Sidoo kale, goortii uu dhacay Heshiiska Maamulka Somaliland iyo Imaaraadka, waxaa Somaliland lasiiyay dhaqaale dhan 15 milyan oo dollar oo la sheegay inay tahay mid qeyb kamid ah lagu dayactiraayo Dekadda, halka qaarka soo harana ay dhexda dhigan doonaan Afarta Mas’uul ee Heshiiskaasi lasoo gashay Imaaraadka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
5 Milayn oo kamid ah dhaqaalahaasi lasiiyay Somaliland waxaa lagu soo iibin doonaa qalabka lagu xiro Maraakiibta marka ay Dekadda kusoo dhawaadan.
Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa dhaqaalaha kasoo xarooda Dekadaasi Bishiiba ka qaadan doona 25% sida uu dhigaayo Heshiiska dhex maray Maamulka Somaliland, Imaaraadka iyo Xassan Sheekh oo isagu ahaa shaqsida bixiyay Saxiixa lagu wareejinaayo Dekadda BerBera.
Dhanka kale, Heshiisyadaani qarsoodiga ah ee lagu kala iibsanaayo Dalka ayaa waxa uu imaanayaa xili Dowlada Imaaraadka Carabta ay saraqaaday kasbashada Soomaalida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]