Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in munaasabadii caleemasaarka shalay ka dhacay magaalada Kampala ay isaga baxeen gabi ahaan Diblomaasiyiintii Reer Galbeedka ee ka qeybgaleysay munaasabadaasi lagu caleemasaarayay madaxweynaha Uganda Museveni.
Diblumaasiyiinta isaga baxay Munaasabada ayaa ka carooday Khudbada uu munaasabada ka jeedinaayay Museveni, kadib markii uu sheegay in Reer Galbeedka ay Africa ula dhaqmaan si anshax xumo ah, islamarkaana uu aad u dhaliilaayo Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ICC.
Diblumaasiyiinta ka baxday munaasabada ayaa ka kala socday Dalalka Canada, Mareykanka iyo Midowga Yurub kadib markii ay sabab uga dhigeen in Madaxweynaha Ugandha uu u gafay Reer galbeedka.
Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xassan Axmed Al-bashiir, iyadoo qoraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka lagu sheegay in Diblumaasiyiinta Munaasabada ka baxay ay markii horaba ka careysnaayen joogitaanka Al-bashiir ee munaasabadaasi.
Madaxweynaha Dalka Suudaan Al-bashiir ayaa loo heystaa kiisas la xiriira xasuuq uu ka geystay South Sudan.
Madaxweynaha Uganda kama uusan jawaabin ka bixitaanka Diblumaasiyiintaasi ay ka baxeen munaasabada iyo qoraalka kasoo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]