Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf ”Af-guduud” iyo Taliyaha ciidanka Birmadka G/sare Cismaan Xasan Cuuke ”Af-dalow”.
Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in si kumeel gaar ah loogu magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Shire Faarax Ereg.
Sababta koowaad ee xil ka qaadista ayaa lagu sheegay mid daba socta iska horimaadkii 5-tii bishan May ka dhacday magaalada Bosaso taasi oo u dhexeysay ilaalada Ciidamada Taliyayaasha iminka xilka laga qaaday.
Sababta labaad ee xil ka qaadista ayaa lagu sheegay wadashaqeyn la’aan ka dhextaagneyd Saraakiisha iyo Ciidamada maamulka.


