Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.
Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka oo uu ugu horeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug.
Ra’isul wasaare ku xigeenka ayaa halkaasi kulan kula qaatay madaxda maamulka Galmudug, kulankaas oo looga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya marxalada dalka.
Kulanka ayaa waxaa xoogiisa looga hadlay arimo ay kamid yihiin, qabyo qoraalka dastuurka, siyaasada amniga qaranka, iyo doorka Galmudug ay ku leedahay ilaalinta xeebaha dalka.
Kulanka oo dhinac waliba ka dhameystirnaa ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka, waxaana laisku afgartay dhamaanba qodobadii laga wada hadlay.
Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte, ayaa rajo ka muujiyay guulaha laga gaari doono doorashada iyo arimaha ay kawada hadleen maamulka Galmudug.






