Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam madoobe ayaa magacaabay labada madaxweyne ku xigeen ee maamulka Jubbaland, iyadoo saacadihii ugu dambeeyay la hadal hadal hayay magacaabidaasi.
Munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa Maxamuud Sayid Aadan waxaa loogu magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, iyadoo xilkaasi laga qaaday madaxweyne ku xigeenkii hore Generaal Fartaag.
Sidaasi si lamid ah ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland loo magacaabay C/qaadir Luga-dheere oo xilkaasi horey u hayay, waxaana socdo qaban qaabashada soo xulida wasiirada maamulka Jubbaland.
Hoos ka akhriso cadeynta


