Xisbi siyaasadeedka Gurmad ayaa xalay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ku daahfuray ololaha ka qeybgalka doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo dabayaaqada sanadkan 2016.
Dr. Cabdinaasir Maxamed oo ka mid ah aas-aasayaasha Xisbiga Gurmad ahna dhaqtar Soomaliyeed iyo ganacsade in muddo ahna ku noolaa gobolka North Caroline ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha dalka, wuxuuna yiri.
“Anigoo tixgalinaya rajada uu qabo shacabka Soomaaliyeed, kuna tartamaya magaca xisbiga Gurmad waxaan idiin cadeynayaa inaan ahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya”
“Gurmad inay soo gasho siyaasadda dalka waxaa ku kallifay markii ay aragtay dhibaatooyin badan oo dalka ka jira, gaar ahaan habacsanida dowladdanimo, amni darrada, caddaalad darrada, saboolka, shaqo la’aanta iyo qul-qulka tahriibka” ayuu sii raaciyay Dr. Cabdinaasir.
Wuxuu sheegay Dr. Cabdinaasir in isaga iyo xubnaha kale ee xisbiga Gurmad ay u cuntami weysay xaaladda dalka, ayna go’aansadeen inay ka qeyb galaan tartanka siyaasadda.
“Inagu waxaan heysannaa nolol nagu filan, hase ahaatee waxaa noo cuntami waayay xaaladda dalkeenna, waxaan maanta mareynaa heer ay dowladaha shishiyee noogu soo qaataan tusaaleyaal xun, arag hadalkii uu yiri Ra’isul Wasaaraha Hindiya – taasi nama qabato ee waa inaan iska rognaa heeryada, sidii SYL ay isaga tureen heeryadii gumeysiga, Xisbi ahaan waxaan ka naxeynaa dalka iyo dadka” ayuu sharraxay Dr. Cabdinaasir.
Dr. Cabdinaasir ayaa sheegay inuu sameyn doono dib u heshiisiin dhab ah haddii uu ku guuleysto madaxtinimada dalka. “Waxaan tagi doonaa tuulo, magaalo, degmo iyo gobol kasta, waxaan hor fariisan doonaa dadka Soomaaliyeed oo idil, waxaana ka shaqeyn doonaan in dadku is cafiyaan oo heshiiyaan, ayna is oggolaadaan”
Jibriil Maxamed oo ka mid ah aas-aasayaasha Xisbiga Gurmad, ahna macallin ka tirsan Jaamacadda Ohio State University oo sharraxayay aragtida iyo hiigsiga Gurmad ayaa yiri “Markii aan aragnay in talada dalka aynaan gacan ku heyn oo dad kale ay u tahay mashruuc, markii aan aragnay madax u nugul qabyaaladda, shisheeyaha iyo musuq-maasuqa ayaan go’aansannay inaan shirar, kulamo iyo cilmi baaris xaaladda dalka lagu ogaanayo aan ku qabanno dhowr magaalo, inagoo is tusnay muhiimadda aragtida xisbiga Gurmad ee ku saleysan waddaniyadda, midnimo qaran, sharci iyo kala dambeyn, dimoqraadiyad iyo rabitaanka shacabka, waxaana dhammaateen diyaar u nahay inaan dalkeenna u gurmanno nolol kasta oo aan ku noolnahay”
“Taariikh badan oo khaldan ayaa dalka soo martay, hase ahaatee Gurmad waxay diyaar u tahay inay soo afjarto oo ay halgan u gasho sidii qaranimada Soomaaliyeed loo soo celin lahaa” ayay tiri Khadra Maxamed oo ka tirsan Gurmad.
Cadar Kaahin oo ka tirsan indheer garadka Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis ayaa tiri “Ficil iyo in lala xisaabtamo madaxda ayaa loo baahanyahay, Waana in la soo celiyaa ehelnimadii iyo walaaltinimadii”
Xisbiga Gurmad ayaa bilihii ugu dambeeyay wuxuu talooyin iyo aragtiyo ka bixinayay xaaladda dalka, waxaana la filayaa in ka qeybgalkooda doorashada uu xiiso, fikrado iyo tartan siyaasadeed ku soo hordhiyo saaxadda siyaasadda dalka.











