Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay wararka sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole tagayaan magaalada Hargeysa.
Cali Waran-cadde oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in qaabilaada wafuuda ka qeyb galeysa xaflada ay leedahay wasaarada arimaha dibada Somaliland.
Sidoo kale wuxuu si cad u sheegay in wasaarada arimaha dibada Somaliland ilaa iyo haatan aysan ku wargelin in wafdigaasi tagi doonaan magaalada Hargeysa si ay kaga qeyb galaan munaasabada xuska 18-ka May.
“Qaabilaada wafdiga imaanaya waxaa qaabilsan wasaarada arimaha dibada, ilaa iyo hadda Sheikh Shariif iyo Faroole nooma soo gudbin wasaarada arimaha dibada, laakiin qaban qaabada meel wanaagsan ayay mareysaa”ayuu yiri Waran-cadde.
Maalinta Arbacada ayaa la filayaa in munaasabada xuska maalinta 18-ka May oo ku began maalintii Somaliland sheegtay iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

