29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Ciidamada Ethiopia oo dekadda Muqdisho lagu wareejinayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxtooyada Somalia ayaa lasoo warinayaa inay ogolaatay in amaanka guud ee Dekadda magaalada Muqdisho lagu wareejiyo Ciidamada ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Amarka ciidamadaasi loogu wareejinaayo Dekadda, ayaa waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Somalia ee uu xilka kasii dhamaanaayo Xassan Sheekh Maxamuud.

Dalabka Ciidamadaasi loogu wareejin doono Dekadda ayaa waxa uu ka imaaday dhanka Dowlada ethiopia iyadoo Xassan Sheekh san-dulo looga dhigay inuu saxiixo rabitaankaasi.

Dowlada ethiopia ayaa wada qorsho ay ku hantineyso dhaqaalaha Somalia, iyada oo dooneyso inay qabsato goobaha ilaha dhaqaale u ah Somalia sida Dekadaha iyo Garoomada dalka oo qeybo kamid ah iminka gacantooda ku jira.

Madaxweynaha xilka kasii dagaaya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa iminka fududeynaaya hirgalinta Heshiisyo dhow ah oo uu horay ula galay Dowlada dariska la ah Somalia.

Ma cadda ujeedka ku hoos qarsoon in amaanka Dekadda Somalia lagu wareejiyo Ciidamo ka socda ethiopia oo horay xasuuq uga geystay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News