Mashquulkii ugu dambeeyay oo laga dareemayo madaxtooyada…

Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kusii qulqulaya siyaasiyiin iyo aqoonyahano badan oo doonaya iney kamid noqdaan liiska golaha wasiirada cusub ee maamulka Jubbaland.

Saacadaha soo socdo ayaa la fileysanayaa in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland, iyadoo shalay lagu dhawaaqay madaxweyne ku xigeenada maamulka Jubbaland.

Waxaa mashquul aad u badan laga dareemayaa madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka socdo shirar kala gaargaar ah oo u dhaxeeya xubnaha tagay magaalada Kismaayo iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Sidoo kale mashquulka laga dareemayaa hoteelada magaalada oo ay ku shirsan yihiin beelaha kala duwan ee Jubbooyinka iyo ugaasyada, maadaama beel kastaa ay dooneyso iney ku qanacsaa xilalka wasaaradaha ee la doonayo in lagu dhawaaqo.

Axmed Madoobe ayaa haatan waxaa ka haray culees aan badneyd oo kasoo wajihi lahaa dhanka beesha Sade, kadib markii Maxamuud Sayid Aadan uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland.

La soco caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com