Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenkii maamulka Jubbaland Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo wareysi siiyay VOA ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadlay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Wuxuu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka cusub ee lagu badalay Maxamuud Sayid Aadan, isagoo sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono maadaama muddo badan uu xilkaasi soo hayay.
Fartaag, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka cusub ee la magacaabay iney qeyb ka tahay qorshaha dib u hishiisiinta ee ka socdo deegaanada maamulka Jubbaland ee lagu dhex dhexaadinayo beelaha kala duwan ee Jubbooyinka iyo Gedo.
Axmed Madoobe ayaa shalay shaaciyay in Generaal Fartaag xilka laga qaaday loona dhiibay xilkaasi Maxamuud Sayid aadan.
Hoos ka dhageyso wareysiga
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

