24.6 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xildhibaanada GAL-MUDUG oo la kulmay arrin waji gabax ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xarun halkaasi ku taalla maanta loo diiday inay galaan Xildhibaanada Maamulka.

Xildhibaanada ayaa doonaayay inay ku kulmaan xaruntaasi waxaana laga xirtay dhammaan irdihii laga galaayay xarunta, iyagoona lagu amray in banaanka sare ay uga baxaan xarunta.

Sababta ugu weyn ee Xildhibaanada loogu diiday inay ku shiraan xaruntaasi, ayaa waxaa lagu sheegay in xarunta shirka ee maamulka Galmudug ay leeyihiin dad gaar ah islamarkaana ay iyagu xerteen.

Ca’isho Maxamud Warsame oo kamid ah Xildhibaanada maamulka ayaa sheegtay in Xildhibaanada maanta ay kulan ku lahaayeen xarunta balse markii ay tageen madasha kullanka ay la kulmeen xarunta oo xeran.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka ayaa lagu eedeeyay sababta ugu weyn ee xarunta looga soo eryay Xildhibaanada oo la sheegay inuu ka gaabiyay in Baarlamaanka uu yeesho xarumo ay u madax-banaan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News