Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka uu hayo ka hor soo maray marxalado kala duwan.
Xasan Sheekh ayaa meelo kala duwan noloshiisa kusoo qaatay taasi oo laga dheehan karo Sawirada keydka ah ee muujinaaya yaraanta Xassan Sheekh.
Xasan Sheekh ayaa xiligii hore kamid ahaan jiray Ragga ku faana timaha badan waxaana lagu xantaa in xiligaasi uu ahaa shaqsi ku fiican dhanka Axdiga, balse hadda waxaa muuqaneysa in waxbadan uu iska bedelay.
Inta badan Soomaalida aad ayey ugu dhiban yihiin Xassan Sheekh, waayo waa nin dhoola cadeyn badan shaqsiga noocaa ahna wey adag tahay in la fahmo waxa ay tahay dabeecadiisa.
Sawirada hoos ka muuqda waa Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku howlan xiliga waxbarashadiisa, waxaana la qaaday Sawiradaani inta u dhexeysay 1986-1988.












